Sign in to follow this  
Deeq A.

Abaarta daran ee ka jirta Puntland oo qarka u saaran in ay u dillaacdo macluul

Recommended Posts

Deeq A.   
sawir-hore.jpg?resize=608%2C365&ssl=1Sawirkan waa sawir hore

Xaaladda Abaarta ka jirta Puntland ayaa gaartay heerkii ugu xumaa waxaana laga cabsi qabaa in meelaha qaarkood ay ka dillaacdo macluul.

Abaarta ayaa sababtay kumanaan qoys oo ku bara-kacay gudaha Puntland kuwaas oo u badan reer miyi ay ka le’deen xoolihii islamarkaana wajahaya xaalad adag oo macluul qarka u saaran sida ay caddaynayaan xogihii u danbeeyay.

Abaarta iyo biya la’aanta jirta ayaa gaarsiisan heer la soo weriyay in dadkii bilaabay dhimasho inkastoo aan weli si dhammaystiran loo xaqiijin xogtaas.

Gurmadka ka imaanaya dhinaca hay’adaha gargaarka ayaa aad u hooseeya xilli ay ka sii daraysa xaaladda abaarta.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ku dhawaaqay in roob-doon iyo qur’aan akhris la bilaabo Isniinta berriya lagana ducaysto xaaladda abaarta taagan.

PUNTLAND POST

The post Abaarta daran ee ka jirta Puntland oo qarka u saaran in ay u dillaacdo macluul appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this