Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/W Xamza oo tallaabo qaaday, kadib weeraradii Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gobolka Bakool, kadibna u sii gudbay dhanka xadka dalka Itoobiya.

Xamza oo amar soo saaray, kadib weerarkaas ayaa maanta ay fulisay wasaaradda gargaarka, waxayna deeq gargaar u ah dirtay shacabka ku dhaqan gobolka Bakool.

Deeqdaan oo diyaarado looga qaaday garoonka Aadan Cadde ayaa isugu jirto raashin iyo daawo, sida ay shaacisay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dalka.

“Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bixiyay amarka maanta gargaarkada raashiinka iyo daawa loogu diray shacabka ku ku nool gobolka Bakool, iyadoo wasaaradda gargaarka amarkaas si deg deg ah ku fulisay,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Horey ra’iisul wasaaraha oo si adag uga hadlay weerarada Al-Shabaab ee u gudbay dhanka Itoobiya ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay qaadi doonaan howlgal cusub oo ka dhan ah kooxdaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada dowladda ay bixin doonaan jawaab deg-deg ah.

Dhanka kale gargaarka ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, xilli Bakool ay haatan ka jirto xaalad bani’aadanimo oo daran, taas oo ka dhalatay abaarta ka jirta dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xaalado is biirsaday oo ka dhashay abaaraha ka jira dalka iyo go’doon ay magaalooyinka qaar geliyeen xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

294598012_5897219310316434_1215777212685 295057967_5897217983649900_8243047022223 295553390_5897217603649938_4536291972924 295633225_5897219066983125_1213581254197 294554641_5897218163649882_3518520909194

The post Sawirro: R/W Xamza oo tallaabo qaaday, kadib weeraradii Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this