Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya Maamulka Sare ee Bankiga dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
Baank.jpg?resize=512%2C512&ssl=1

Maamulka Sare ee Bankiga dowladda Puntland ayaa maanta hortagaya Baarlamanka oo weli ku jira La-xisaabtanka Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Guddoomiyaha Bankiga dowladda Cabdirisaaq Warsame Seeraar oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Maxamed Siciid Hoggaamo Agaasimaha guud ee Bankiga Maxamed Faarax Maxamuud iyo Agaasime ku xigeenka Anisa Cabdiraxmaan Shaxbal ayaa lagu wadaa in ay hortagaan Baarlamanka.

Maamulka Sare ee Bankiga dowladda ayaa warbixin siin doona Golaha Wakiilada waxaana intaas kadib Xildhibaannadu su’aalo ka weydiin doonaan Shaqada Bankiga iyo dhaliilaha ka jira.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo maanta la xisaabtamaya Maamulka Sare ee Bankiga dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this