Deeq A. Posted July 23, 2022 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug, kadib xeer madaxweyne oo uu soo saaray, kaas oo ku Taariikheysan 23 July 2022, waxaana xilka guddoomiyaha gobolka loo magacaabay waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamed (Jifo Jabsade) inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Mudug. Faysal ayaa guddoomiyaha gobolka waxaa horey ugu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash, hase ahaatee khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ayaa sababtay in ay shaqaynin magacaabista, kadib waxaa labada mas’uul heshiis ka gaareen khilaafkooda taas oo keentay in madaxweyne Deni maanta uu magacaabo. Halkaan Ka Akhriso Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamed (Jifo Jabsade) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites