Deeq A. Posted July 21, 2022 Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta magacaabaya laba wasiir oo kala aha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha u magacaabay mudane Axmed Cali Maxamed, Sidoo kale wuxuu u magacaabay Wasaraadda Dhallinyarada iyo Isboortiga mudane Cumar Sheegow Maxamed. Magacaabista ayaa ka dambeysay kadib markii uu Madaxwaynaha Galmudug latashaday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, waxaana uu faray cidda ay quseyso inay la shaqeeyaan Wasiirada Cusub ee uu magacaabay madaxweynaha kuwaas oo kusoo biiraya golaha wasiirada dowlad goboleedka Galmudug oo algu soo kordhiyay xukuumadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites