Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo u baxay Arusha xilli ay sarreyso rajada Soomaaliya ee EAC

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Tansaaniya, waxaana sii sagootiyey mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Rooble.

Madaxweyne Xasan ayaa ka qayb-geli doono shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah-faahiyey ujeedka socdaalka madaxweynaha uu ku aaday dalka Tansaaniya, gaar ahaan dadaalkiisa ku qotoa in Soomaaliya ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo EAC.

“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda  dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya.

Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7 dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tansaaniya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxayna hadda xusul duub ugu jirtaa inay ka mira-dhaliso hadafkeeda ah inay ku biirto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalkii ugu horreeyey ayaa si rasmi ah u sheegay inuu taageerayo isku dayga ay Soomaaliya ku dooneyso inay xubin uga noqoto daladda Bulshada Afrika, East African Community (EAC).  

Diblomaasi Sare oo reer Burundi ah ayaa sheegay in waddankiisu oo guddoomiyennimada EAC kala wareegayo Kenya, uu taageeri doono musharraxnimada Soomaaliya. Burundi waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. 

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in dalal kalena ay Soomaaliya taageeri doonaan, inkasta oo uusan shaacin magacyadooda. Balse Caasimada Online ayaa og in rajada Soomaaliya ee ka mid noqoshada ururkaas ay aad u sarreyso.

Safarkan ayaa noqonaya kii lixaad ee uu madaxweynaha u baxayo, tan iyo markii la doortay wuxuuna horey u booqday Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya & Jabuuti.

294921838_431474662357012_58112089143990 xASAN-1.jpg?resize=696%2C463&ssl=1

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo u baxay Arusha xilli ay sarreyso rajada Soomaaliya ee EAC appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this