Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo hortagay Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1658389427641.jpg?resize=720%2C44

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 26-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga ah ee Dawladda Puntland Mudane Jamaal Carab Yuusuf oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga ah ee DPL uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad Farqadiisa 17aad,  Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobka 62.2 iyo Xeerka Ururada Samafalka ee aan Dawliga aheyn ee Puntland oo soo baxay 2016, Xeerka Tirakoobka Puntland ee soo baxay 2019 kaas oo muhiimada siinaya Ururinta xogta Dawladda, Muwaadiniinta iyo kheyraadka dalka iyo ka hor-tagidda iyo tirtirada burcad xogeedka.

PUNTLAND POST

The post Madaxda Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo hortagay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this