Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku wajahan dalka Tanzania

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta socdaal ku tagi doono magaalada Arusha ee dalka Tanzania si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC.’

Diblomaasi sare oo reer Burundi ah ayaa sheegay in waddankiisu uu guddoomiyenimada EAC kala wareegayo Kenya, uuna dalkiisu taageeri doono musharraxnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dalal kalena ay Soomaaliya taageeri doonaan.

Bayaanka madaxtooyada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay gudbisay codsiga ka mid noqoshada ururkan sanadkii 2016.

“Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladdan sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka madaxtooyada.

Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku wajahan dalka Tanzania appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this