Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ku xigeen cusub oo loo magacaabay Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
Fardafuul.jpg?resize=720%2C480&ssl=1Taliye ku xigeenka cusub Fardafuul

Taliyaha Booliiska dowladda Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeenkii Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud.

Warqad ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Booliiska Puntland ayaa lagu caddeeyay in xilkii laga qaaday Ilyaas Isxaaq islamarkaana Taliye ku xigeen cusub loo magacaabay Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Taliye ku xigeenka cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay Gaashaanle Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) oo horay u ahaa Taliyaha saldhiga bartamaha Caasimadda Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Taliye ku xigeen cusub oo loo magacaabay Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this