Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo berri u safraya dal uu taageero uga doonayo qorshe ay wadato Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, waxaana ku mideysan toddoba dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran, kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha gobolka.

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalka ku bahoobay ururkaan, waxaa lagu qiyaasaa 312 oo Malyan, kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxaay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxayna hadda xusul duub ugu jirtaa inay ka mira-dhaliso hadafkeeda ah inay ku biirto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC). 

FB_IMG_1658352330273.jpg?resize=696%2C87

The post Xasan Sheekh oo berri u safraya dal uu taageero uga doonayo qorshe ay wadato Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this