Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Saraakiil Ka Socotay Barnaamijka Hormarinta Afrika oo Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil sare oo ka socota Barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP, waxa ayna ka wada hadleen wada shaqeynta baarlamaanka iyo UNDP.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa madaxa UNDP ee Soomaaliya Jocelyn Mason, maamulaha Siyaasadda loo dhan yahay ee UNDP Dragan Popovic, iyo madaxa Xafiiska Baarnaamijyada iyo Siyaasadda Mohamed Hadi, waxaana ay sheegeen in Golaha Shacabka ay kala shaqeyn doonaan horumarinta shuruucda kale duwan iyo tababarada howl-wadeennada.
Saraakiisha ayaa sidoo kale waxayna  soo dhoweyeen talaabooyinka uu qaaday baarlamaanka Federalka  Soomaaliya, sida ansixinta Ra”iisul wasaraha iyo tan miisaaniyada dalka, Baarlamaanka 11-aad ayaa shaqooyinkiisa dardar fiican ku wada shaqooyinka hooryaalla, kulanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto Abaaro baahsan.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this