Sign in to follow this  
Deeq A.

Duullimaad Caalami ah oo maanta laga daah-furay magaalada Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1658321460884.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Diyaarad cusub oo ay soo kordhisay Shirkadda Freedom Airlines, taasi oo Puntland ka billaabaysa duulimaadyo heer caalami ah.

Diyaaradan oo noocewdu yahay Air Bus 320, isla markaana qaadi karta boqolaal Rikaab ah, ayaa Puntland ka billaabaysa duulimaad toos ah oo Puntland ku xiraya wadamada kale ee adduunka.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay  in la helo Diyaarad noocan ah oo dulimaad heer caalami ah Puntland ka sameynaysa, wuxuu boggaadiyey shaqada wanaagsan ee ay wadajirka u qabteen Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland iyo Shirkadda Freedom Airlines.

PUNTLAND POST

The post Duullimaad Caalami ah oo maanta laga daah-furay magaalada Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this