Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Taraafikada Puntland oo shaqada laga joojiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Sarreeye Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta shaqa-joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Taraafikada G/ sare Cabdifitaax Siciid Saleebaan Afrikaan.

Shaqa-joojinta ayaa loo cuskaday in Taliye Afrikaan uu sameeyay amar-diido iyo xil-gudasho la’aan inkastoo aan la raacin wax caddayn ah oo muujinaya eedayntaas.

Shaqada Ciidanka Taraafikada waxaa sii wadaya Gaashaanle dhexe Ismaaciil Xirsi Shirwac ( Qabaal) sida lagu caddeeyay warqadda Shaqa-joojinta.

Halkaan ka akhriso warqadda

Polish_20220720_125301829.jpg?resize=720

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Ciidanka Taraafikada Puntland oo shaqada laga joojiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this