Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Puntland ay howlgallo ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, kaasi oo lagu xaqiijinayey ammaanka magaaladaasi.

Howlgalladaan ayaa intii ay socdeen waxaa lagu soo qab-qabtay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Puntland ma shaacin tirada & magacyada saraakiisha lasoo qabtay, balse waxa ay sheegtay inay heysay magacyadooda, isla-markaana ay ku raad-joogeen ciidamada ammaanka.

Sidoo kale xubnaha lasoo qabtay ayaa waxaa lagu eedeeyey inay dhibaatooyin amni darro ka geysteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sidoo kale u mahadceliyey dadka shacabka ah ee la shaqeeyey ciidamada ammaanka, kuna gacansiiyey raggaasi ka tirsan Al-Shabaab.

“Waxa ay ahaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo muddo la raadinayay qaarkood magacyadooda ayaan sii heynay, waa ay mahadsan yihiin dadkii nala shaqeeyay, waana sii beegsan doonaa kuwa dhibaateeya Shacabka,” ayuu yiri sarkaal sare oo u hadal Puntland.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana maxkamadda ciidamada maamulkaas kasoo muuqday xubno ka tirsan kooxdaas oo lasoo qabtay, isla-markaana lagu xukumay dil toogasho ah.

The post Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Boosaaso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this