Sign in to follow this  
Deeq A.

Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo Boosaaso lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab sida ay xaqiijinayaan warar dhinaca Amniga ah.

Hawlgal qorshaysan oo ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa lagu qabtay horjoogayaasha waxaana lagu wadaa in dhowaan maxkamad la soo taago sida ay sheegayaan saraakiisha Amniga qaarkood.

Wararku waxay sheegayaan in weli baaritaan ku socdo horjoogayaasha oo magacyadooda la sii hayay ka hor inta aan gacanta lagu dhigin.

“ Amiiro aad loo raadinayay ayaa ku jira horjoogayaasha aan qabannay oo aan maalmaha soo socda maxkamad hor keeni doono” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Laamaha Amniga Puntland.

PUNTLAND POST

The post Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this