Deeq A. Posted July 20, 2022 (SLT-Washington)-Ilhan Omar iyo 16 xubnood oo kale oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa la xidhay xilli ay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ee Washington ka hordhigayeen dibadbax lagu taageerayey xuquuqda ay haweenka u leeyihiin inay ilmaha iska soo ridaan. Booliska Capitol ayaa qoraal ay soo dhigeen twitter-ka ku sheegay in dibad-baxayaasha ay xannibeen isu-socodka baabuurta ee waddo ku dhow Maxkamadda Sare, islamarkaana la siiyey saddex digniin ka hor inta aan la xidhin. “Waxaan sameynay 35 xidhitaan oo la xidhiidha isu soobax, xannibaad ama arbushaad,” ayey booliska ku yidhaahdeen qoraalkooda. “tiradaas waxaa ku jira 17 xubnood oo ka tirsan Congress-ka.” Dibadbaxa ayaa yimid saddex toddobaad kadib markii Maxkamadda Sare ay gaadhay go’aan lagu baabi’iyey xukunkii 1973-kii ee taariikhiga ahaa ee loogu magac daray Roe v. Wade, kaasi oo haweenka u damaanad qaadayey inay ilmaha iska soo ridi karaan. “Maanta waxaa la i xidhay aniga oo saaxiibadeeda kale ee Congress-ka kala ka qeyb-qaadanaya gadood shacab oo aan kahor dhignay Maxkamadda Sare,” ayey Ilhan oo laga soo doorto Minnesota ku tidhi qoraal ay soo dhigtay twitter-ka. “Waxaan sii wadi doonaa wax kasta oo awooddeeda ah si aan u kiciyo dareenka ku aadan weerarka lagu hayo xuquuqdeena taranka,” ayey tidhi Ilhan. Xildhibaan Carolyn Maloney oo laga soo doorto New York oo sidoo kale la xidhay ayaa soo saartay bayaan ay ku tidhi “Ma jirto dimoqraadiyad haddii haweenka ayna maamuli karin jirkooda iyo go’aanada ku saabsan caafimaadkooda, oo ay ku jirto daryeelka taranka.” “Xisbiga Jamhuuriga iyo xagjiriinta garabka midig ee ka dambeeya go’aankan ma ahan kuwa taageera nolosha, balse waa kuwa taageera in la maamulo haweenka jirkooda, gabdhaha iyo qof kasta oo uur yeesha.” Muuqaallo laga soo duubay dibad-baxa ayaa sidoo kale muujiyey Ilhan iyo Alexandria Ocasio-Cortez oo lasii wado balse aan la jeebayn. Ilhan Omar iyo xildhibaanada kale ayaa markii dambe lasii daayey. Source Share this post Link to post Share on other sites