Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Xalay Madaxtooyada ku qaabilay Kooxaha kala duwan ee Kubadda Kolayga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Kooxaha Kubadda Kolayga ee kala ah Metro High School oo ka dhisan Maraykanka, Gift Stars oo ka dhisan Muqdisho iyo Garoowe Stars oo ka dhisan Garoowe kuwaasi oo Garoowe ku wada ciyaaray Koob kubadda Kolayga ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa dhiirrigelin heerkeedu sarreeyo u sameeyay Ciyaartooyda, oo uu kusoo dhoweeyay Madaxtooyada isagoo ku boggaadiyay dadaalkooda in ay sii laba jibaaraan, maadaama ciyaarahu muhiimad gaar ah u leeyihiin kor u qaadista is dhexgalka Bulshada, nabadgelyada iyo horumarka.

Ciyaartooyda ayaa fursad loo siiyey in ay booqdaan qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiisyada kale, Hoolalka Shirarka, xarumaha qaabilaada iyo qeybaha kale ee Madaxtooyadu ka koobantahay.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Xiriirka Ciyaaraha, Ciyaartoo hore oo kubadda Kolyga ah iyo masuuliyiin kale .

Tartanka Koobka Kubadda Kolayga ee Garoowe lagu qabtay waxaa lasoo gebagebeeyay galabta, tartankan oo u dhexeeyay Kooxahan kala ah Metro High School oo ka dhisan Maraykanka, Gift Stars oo ka dhisan Muqdisho iyo Garoowe Stars oo ka dhisan Garoowe, waxaa ku guuleysatay Koobka kooxda Gift Stars oo ka dhisan Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Xalay Madaxtooyada ku qaabilay Kooxaha kala duwan ee Kubadda Kolayga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this