Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo duqeeyay Donbas iyo Midowga Yurub oo ka hadlay sii adkeynta Cunaqabateynta Moskow

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ukraine ayaa ku dhawaaqday in duqeymaha Ruushku uu ka geystay bariga Donbass ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen, iyadoo Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay ka wada hadleen xoojinta cadaadiska dhaqaale ee saaran Moscow.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku nuux-nuuxsaday in dalkiisu aanu isu dhiibi doonin cunaqabataynta saaran.

Hay’adda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine ayaa sheegtay in 6 qof lagu dilay shalay oo Isniin ahayd  duqeyn uu Ruushku ka geystay magaalada Toritsk ee Donetsk ee gobolka Donbass.

Guddoomiyaha Donetsk ee Ukraine, Pavlo Kirilenko, ayaa sheegay in duqeymaha Ruushka ee gobolka uusan kala joogsi lahayn.

Waxa uu intaa ku daray in 4 weerar uu Ruushku shalay la beegsaday magaalada Kramatorsk, isagoo ugu baaqay dadka deegaanka inay isaga baxaan halkaa.

Dhanka kale, Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in duqeyntii Ruushka ay shalay la beegsatay 7 gobol oo Ukraine ka tirsan, xilli saraakiisha Ukraine ay xaqiijiyeen in duqeymaha Ruushka uu ka geysanayo goobaha ay dadka degan yihiin uu uga gol leeyahay in lagu faafiyo Cabsi gelin dadka ree Ukraine.

PUNTLAND POST

The post Ruushka oo duqeeyay Donbas iyo Midowga Yurub oo ka hadlay sii adkeynta Cunaqabateynta Moskow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this