Zaylici Posted August 22, 2003 Samatalis Xussen Xayle Kan kor ku xusan waa Arday Jaamcadda Minnisota cilmi ka raacda, Sanadkii lixaad, baranayna Culuumta Falsafadda, Cilmu nafsiga,Culuumta Siyaasadda iyo Umuuraha Soomaaliga Minniabolis, Minnisota. Talaado, January 27, 2003 Qormadan soo socota waxaan u hibeeyay gabadh lo oran jiray Deeqo Cusmaan oo daganaan jirtay xaafadii Dabka ee dagmadii Waaberi, Gobolka Banaadir, Jimhuuriyaddii Dimuqraadiga Soomaaliya. Akhristow iga gudoon, sheekadaan tixana ahaandoonta, Eebe idinkiis.kala xiriiri qoraaga fariimahan Emailka soo socda hail0029@umn.edu Soomaaliga iyo Waayihii hore Gacanka cadmeed( ama gacanka Berbera, magacan dambe ayaa loogu yeeri jiray gacan biyoodkan u dhexeeya Yemen iyo woqooyiga dhulka Soomaalida) ee badda cas iyo badwaynta Hindiya dhanka soo xiga Geeska Afrika, waxay ahaayeen goobo safarku uu ku badan yahay. Badda cas waxay isku xiri jirtay Masar iyo wadamada kulaala badda meditereeniyaanka( sida Giriiga, Ruum, iyo woqooyiga Afrika), Hindiya, gacanka carabta( ama Jasiiratu al-carab), faaris( Iiraan), iyo bariga shishe( sida shiinaha) iyo dabcan Bariga Afrika. sidaa awgeed Geeska Afrika qayb ayuu ka ahaa dunidii hore. Bulshaawinimada Aadanaha iyo Taariikhda Adamigu waxaa uu ka mid yahay noolayaasha bulshaawiga ah( social animals), taas oo aan ula jeedo In Aadamigu yahay noole ka hela wehesha Aadamiga kale. Labo sababood ayayna iila muuqataa in ay arintan ugu wacan tahay: 1- Aadimaga musiibooyin ayaa ku dhaca( uusan awoodi karin inta badan in uu ka hortago), sida cudurada, abaaraha iwm, sidaa darteed, waxaa uu u baahanyahay cid uu kaalmaysto si uusan u dhiman xiliga rafaadka. 2- Madaama Aadamigu uu ka taag daran yahay xayaawanada kale badankood( sida shabeelka, libaaxa iyo masaska iwm), waxaa uu bartay waayo aragnimo dheer bacdigeed in uu gaashaanbuurayto( xaalufaysto) kuwa asaga la midka ah si ay isku difaacaan. Labadan arimood( difaaca nafta xiliga halista iyo iskaalmaysiga xilliga rafaadka) ayaa ka dhigaysa aadamiga noole u baahan wehesha iyo wadashaqaynta Aadamiga kale. Haddaba, Markii dadku uu helo waxyaalaha lama huraanka u ah nolosha, sida raashinka, iyo nabadgalyada, waxaad moodaa in ay dabiici tahay in la raadiyo waxyaalaha dheeraadka ku ah nolosha. Sida walxaha lagu raaxaysto oo ay ka midyihiin dharka quruxda badan, dahabka,iyo waxyaalaha la isku carfiyo ama wax lagu carafsado. Ma daama qolo walba ay ku nooshahay meel cayiman juqraafi ahaan, qolo kaligeed ma soo saari karto wax walba oo ay u baahantahay ama ay jeceshahay in ay hesho. Si haddaba walxaha loo baahanyahay ama la jecelyahay loo helo iskaalmaysiga iyo wadashaqayntu waa lama huraan.Sidaa darteed, Ganacsigu waxaa uu ogolaadaa in qolo walba waxa ka maqan ay hesho. Tusaale, u fiirso xiriirk u dhexeeya reer guuraaga iyo dadka degan tuulooyinka amba magaalooyinka, reer guuraagu waxay keenaan magaalooyinka xoolo nool waxayna ku badashaan sokor, shaah, bur, tumbaako iyo walxo kale oo ay markaas u baahanyihiin oo magaalooyinka laga helo. Reer magaalka waxay u baahanyihiin caanaha iyo hilibka, reer guuraagu waxay u baahan yihiin sokor iyo shaah iwm. Labada baahi waxaa astura iswaydaarsiga amaba ganacsiga. Waa su’aale maxay tahay xiriirka ay leeyihiin taariikhda geeska Afrika iyo wadashaqayntu ama iskaalmaysiga iyo bulwaashinimada Aadamiga aan ka soo sheekaynay?. Wadashaqayntu iyo iskaalmaysiga waxay ka mid yihiin xooggaga qaybta balaaran ka qaata dhalashada ilbaxnimoooyinka, maxaa yeelay, shakhsiyaadka wadashaqeeya oo iskaalmaysta waxay u badan tahay in ay ka badbaadaan musiibooyinka wareega( sida abaaraha, iyo cudurada waxdabargooya), ayna ku guulaystaan in ay aska difaacaan cadowgooda. Labadan arimood waxay fududaysaa in ay tarmaan( bataan), bacdina ay hantiyaan( tiradooda awgeed) dhul balaaran. Tiro badnida, ka amaan noqoshada cadowga, iyo iskaalmaysiga xiliga musiibooynka waxay u qaaraamaan soo bixitaanka tuulooyin iyo magaalooyin, kuwaa soo saldhig u ah xadaaradaha Aadamiga. Xadaarad waa eray Afcarabi ah, macnihiisuna yahay kulmid ama isku imaansho, tusaale ahaan afcarbeedka waxaa la yiraahdaa Xadara, oo macneheedu yahay waa yimid, iyo Xaadir wuu joogaa, sidaa darteed, marka ay dadka isku yimaadaan oo ay meel wadadagaan ayaa waxaa la yiraahdaa halkaa xadaara ayaa ka jirta, laakiin dadka reer guraaga ah meel cayiman ma dagaan, maxaa yeelay mar walba waxay ku jiraan hayaan ay ku doonayaan in ay ku helaan biyo iyo daaq farabdan si baahida xoolahooda loo asturo. Sidaa darteed, dadka reer guraaga ah inta badan aduunka ma aysan samayn xadaarooyiin waawayn ayagoo wali ah reer guraa,maxaa yeelay nolosha reer guraagu saldhig uma noqonkarto xadaarad ama ilbaxnimo salbalaaran. laakiin waa macquul in ay dhagaxdhigaan ilbaxnimooyin hanaqaada, bacdi markii ay ka haraan eryashada nolosha reer guraaganimada, tusaale waxaa u ah arintan qabaa’ilkii Saljuuka oo tarixi jiray bartamaha Eeshiya, qabaa’ilkan waxay ku guulaysteen in ay cagta mariyaan boqortooyadii Baysantiine( waxay ahayd boqortooyo ka faliirmatay boqortooyadii Room) oo xuruntoodu ahayd magaalada Itanbuul( oo barigaa la oran jiray Konstantanoobal) oo xarun u ah maanta dalka cusub ee loogu yeero Turkiga. Saljuukiyiinta oo ahaa qabaa’il badawiyiin ah oo xoolaha dabagala ayaa noqday mudo ka badan 500 oo sano madaxdii dunida Muslimka iyo xitaa qaybo badan oo ka tirsan Yurub iyo Eeshiya. Akhristwo, waxay ila tahay in aad fahmi kartid hadda sababha u qaaraama dhalashada magaalooyinka, bacdamaa aan soo sheegnay in jecaylka aadamigu uu jecelyahay naftiisa iyo nolosha raaxada leh ay ku kalifayaan in uu raadiyo duruufo ka gadisan duruufaha dabiiciga ah( sida reer miyinimada oo kale). Raadintan uu raadinayo nolol wanaagsana ayaa aakhirka ku kalifaysa in uu dago magaalo, bilaabana in uu la ganacsado dadka kale si uu u helo walxaha aan laga helin deegaankiisa, bacdina waxaa uu suurta galaysa in uu noolaado nolol wanaagsan oo raaxo leh. Noloshan reer magaalka ayaana saldhig u ah ilbaxnimooyinka aadamiga, sida aan soo sheegnayba.Haddaba, Geeska Afrika waxaa ka jiray dal la oran jiray Bunti, oo lahaa magaalooyin islamarkaana laganacsan jiray dunidii hore. Haddaba taariikhda qoran waxay markhaati ka tahay ilbaxnimadii ugu horeeysay ee wax laga qoro( ee Geeska Afrika) in ay ahayd tii dhulka Bunti( arintan waxaa taageeraaya qormo ku xardhan dhagax ay ka tageen Masaaridii hore oo la yiraahdo Boleermo, dhagaxan gadaal ayaan ka faahfaahin doonaa). Hadaba, cutubkaan soo socda waxaan si qotodheer ugu falanqaynayna qoraalo dadkii hore ay ka tageen oo ku saabsan dhulkii faca waynaa ee Bunti( Bunti waa magac la soomaaliyeeyay, waxaana ka bartay in la isticmaalo erayga Bunti Gen Ibraahim Liiqliiqato, oo asaga qoray buug uu u magac daray, Bunti dalkii faca waynaa, erayga afingirisiiga ah ee u dhigma Bunti waxaa la dhahaa Punt, laakiin waxaan doorbiday kaas la soomaaliyeeyay in aan isticmaalo). Ilbaxnimadii Bunti Ganacsi ayaa ka dhexeeyay umadihii hore, sida uu ku bilowday ganacsigan waa mid u baahaan cilmi baaris qoto dheer, laakiin qormadan kuma falanqaynayno taariikhdii dhaqaalaha, laakiin waxaan gudagalaynaa ka sheekaynta xiriirkii Soomaalida iyo Masaaridii hore. Faaris( Iiraan) Baabilooniya ( Ciraaq) Ciilaam (Sayloon/Sirilaanka) iyo Masartii faraaciinta waxay ahaayeen dad horayumarsan marka loo fiiriyo dadyowgii hore ay isku waaga ahaayeen. Nolosha dadyowgan aan soo xusnay waxaa saldhig u ahaa isweydaarsiga badeecadaha,qodashda dhulka iyo dhaqashada xoolaha. Dalkii Buntina ayaga ayuu la mid ahaa. Goobtii Bunti Bunti( asalkii erayga, waa eray afmasri ah, ka soo Masaaridii hore ay u isticmaali jireen dalalka koonfurta ka ah Nubiya( Sudan) amaba dalalka babaryaala badda cas) waxaa mararka qaarkood loogu yeeri jiray dhulkii Ilaahyada, mid ka mid ah sababaha dhaliyay in magacan loogu yeero Bunti waxay ahayd fooxa oo ahaa walxaha lagu sharfo Ilaahyadii dadkii hore, sidaa darteed, Masaaridii hore waxay aaminsanaayeen in fooxa iyo ilaahyada ay xiriir leeyihiin, , oo inta badan aysan kala fogayn, lagana yaabo in ay ilaahyada qaarkood dagaanayeen arligii Bunti( waa sida Masaaridii hore qabeene, tusaale, ilaahyada masaarida waxaa ka mid ahaa Heedar( Heathor, oo ahayd ilaahadii Miyuusika, jecaylka iyo quruxda), oo mararka qaarkood loogu yeeri jiray gabadhii Bunti( fiiri qormada Heathor, ilaahadii Musika, jecaylka iyo quruxda ee Caroline Seawright, 2003, bogga kowaad), sababahan aan soo sheegnay ayaana masuul ka ahaa in Bunti mararka qaarkood loogu yeero dalkii Ilaahyada( ama god’s land). Fooxa oo ahaa guud ahaan walxaha ugu faraha badan ee laga dhoofin jiray dalkii Bunti, waxaa loo isticmaali jiray, sharfidda Asnaamtii Masaarida,carfintii maydka, daawaynta dadka xanuunsan, iyo carfinta iyo qurxinta jirka Aadamiga guud ahaan, sidaa darteed, fooxu waxaa uu lahaa kaalin muhiim ah marka la fiiriyo dhaqankii, diintii, iyo nolol maalmaadkii Masaaridii hore, la yaab malaha marka, in xiriirkii u dhexeeyay Masartii hore iyo Bunti in uu ahaa mid aad u qotodheer. Maqaamkii uu ku lahaa dalka Bunti ilbaxnimadii Masar waxaa daliil u ah dhumucda qormo oo ay ka tageen faraaciintii hore oo ku saabsan dalkii Bunti, kuwaaso qaarkood aan qormooyinkan soo socda aan ku soo bandhigi doono, hadii Eebe yiraahdo. Xagge bay ahayd Bunti?, su’aashan khad badan ayaa ku daadatay, waxaa la sheegaa dalalkan soo socda in ay ka mid ahaayeen dalkii Bunti lo oran jiray ;Soomaaliya( erayga Soomaaliya waxaan qormadan u isticmaali doonaa dhulka ay dagaan dadka Soomaalida ah, Soomaali waxaan ula jeedaa qof walba oo aaminsan in uu yahay Soomaali ama ku hadla Afsoomaaliga lahjadihiisa kala duwan,Soomaaliya, haddaba, waxaan ula jeedaa dhulka Soomaalidu taraxdo ee Geeska Afrika, ee ulama jeedo Jamhuuriyadii Soomaaliya oo kaliya), Yemen, Ereteriya, iyo Sudan.Waxaa jira qormooyin taariikheed oo ay masaaridii hore ka tageen oo taageeraya in dalalka Soomaaliya,Ereteriya, Sudan iyo Yemen ay ka tirsanaayeen dalwaynihii Bunti. Tusaale ahaan waxaa jirta qorma sheegaysa in markii roob lixaad leh uu ka da’o Bunti in wabiga Niil uu buuxsami jiray, waxaa cad xiligan aan joogno in wabiga Niil uu ka soo burqado dhulka buuralayda ah Xabashida, gaar ahaan waqooyiga dalkan cusub ee la yiraahdo Itoobiya, sidaa darteedna, dad badan ayaa adeegsada arintan si ay hoosta uga xariiqaan in dhulka Xabashidu uu ka tirsanaa dalkii Bunti(fiir bogga, 2, ee qaybta uu tafatiray Mustafaa Xaaji nuur, ee buugga History of Somalis and Somalia, gaar ahaana qormada uu ciwaankeeda afingiriisigu yahay Somaliland the “Land of Punt” and its ties with ancient Egypt,). Ereteriya waxay ku andocootaa in ay dalkii Bunti ka tirisanaayeen, maxaa yeelay, waxay soo saari jireen walxii ugu muhiimsanaa ee dalkii Butni u dhoofin jiray Masar oo ahaa Fooxa iyo walxaha kale ee wax lagu carfiyo. Waxay kaleeto oo ay arintan ku daraan in Masar markii loo fiiriyo Soomaaliya iyo Ereteriya, in dalkan dambe uu u dhowyahay Masar fogaan ahaan, sidaa darteedna, aysan jirin wax loo aado Soomaaliya bacdamaa Ereteriya laga heli karo walxaha loo aadi lahaa Soomaaliya. Waxaa kaleeto jirta oo aad moodaysaa in ay taageerayso sheegashadaan Ereteriya arintan soo socota, waayihii hore ganacsiga Masar iyo Bunit waxaa uu mari jiray dhulka. Laakiin, waa dambe ayaa la sameeyay kanaal isku xira badda cas iyo wabiga niil, markaas ayayna bilaabatay in laga kaaftoomo safarkii dhulka, Haddaba maxay tahay sababaha nugu kalifaya taariikh ahaan in aan sheegano in Soomaaliya ay ka mid ahayd dalkii Bunti, amaba in Somaaliya ay hayd xaruntii dalkii hore ee Bunti. Aqoonlayda iyo qormooyinka taariikheed ee aan soo sheegi doono ayaad moodaa in ay nagu kalifiyaan in aan u eexano oraahdan; Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka ahayd dalkii Bunti, waxaana laga yaabaa in ay ahayd xuruntii dalwaynahaas la oran jiray Bunti. Aqoonyahan ka mid ah dadka dhulka qoda oo taariikhii hore daba gala (oo Arkiyoolajiiste ah) laguna magacaabo Neville Chittick, ayaa waxaa uu ku sheegay waraysi uu bixiyay intii uusan dhiman ka hor, in labo arimood ay halbowle u tahay in Soomaaliya ay ka tirsanayd dalkii Bunti.( ( fiir bogga, 2, ee qaybta uu tafatiray Mustafaa Xaaji nuur, ee buugga History of Somalis and Somalia, gaar ahaana qormada uu ciwaankeeda afingiriisigu yahay Somaliland the “Land of Punt” and its ties with ancient Egypt,). Kow, Bunti waxay caan ku ahayd dhoofinta walxaha wax lagu carfiyo sida fooxa, labo, Bunti waxay lahayd Buuro u dhow xeebta iyo togag ama baliyo badda u muuqda, sida ku cad sawir gacameedyada ku xardhan mowlaca Xitshabuut,( fiiri isla marjicii hore) (safarkii Xitshabuut oo faahfaahsan gadaal ayaan ka soo sheegi doonaa, laakiin hadda waxaa nagu filan in aan ogaano in Xitshabuut ay ahayd boqarad reer Masar ah, oo safaro u soo dirtay dalkii Bunti, islamarkaana diiwaan galisay waxyaabihii lagala soo kulmay safarkaas, qormada safarkan waxay ku xardhantahay mowlaceeda oo ku yaala bartamaha dalkan cusub ee Masar). Sidaa darteed waxaa dhici karta dalal ay ka mid yihiin Ereteriya in ay soo saari jireen foox, inkastoo fooxoodu uu k liitay kii Soomaalida iyo Carabta tayo ahaan, laakiin wali Ereteriyiintu way ku andacoon karaan in ay ka tirsanayeen dalkii Bunti, bacdamaa ay foox soo saari jireen, laakiin Ertertiya ma laha dhul buuralay ah oo ku gadaaman badda iyo baliyo biyood barbaryaala badda nawaaxigeeda, sababahan ayaana dhalisay in aqoonyahaynkan uu aamino in Bunti ay ku tiilay Soomaaliya( ama in Soomaaliya ay ka tirsanayd dalkii Bunti), bacdamaa Soomaaliya ay leedahay astaamihii lagu xardhay darbiga mawlaca xitshabuut( gaar ahaana woqooyiga Soomaaliya). Fikradan ayaana ah tan ay qabaan taariikhyahanada ku takhasusa taariikhda Masaaridii hore. Cadaymahan meesha kama saarayaan in Ereteriya, Itoobiya iyo yemen ay ka tirsinaayeen dalkii Bunti, laakiin waa cadaymo hoosta ka xariiqaya in Soomaaliya ay ka tirsanayd dalkii Bunti.( Fiiri isla marjicii hore) Neville iyo rag badan oo culumo xagga Akadeemiyada( jaamiciyiin) ah waxaa kale oo ay qabeen in xariirkii u dhaxeeya Soomaalidii hore iyo Masaarida in uu ahaa mid ka qoto dheer xiriir bicshaaro oo kaliya, oo uu jiray mid af, dhaqan, iyo mid dineed intaba. Culumo badan oo Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Maxamed Jamac Xabashi, Cabdulaahi sheekh Xusseen, Cabdirahman sheekh Xassan, iyo Dr Cali Cabdiraxman Xirsi ayaa qabay in xiriirka iyo isasaamayntii Masarida iyo Soomaalidii hore in uu ahaa mid aad u dhumuc wayn. Dr Cali Cabdrihaman Xirsi oo mudo dheer daraasaynayay taariikhda Soomaalida, islamrkaana qoray buug aad qiimo badan oo loogu magac daray sidan: Arab factor in the Somali History; The orgins and the deveolopment of Arab enterprise and cultural influence in the Somalia Peninsula,” Phd dessertation, Universty of Clifornia, Los Angeles, 1977.[ Isirka carbeed ee Taariikhda Soomaalida; asalkii iyo horayumarkii shirkadda carabta iyo saamayn dhaqan[kii] gudaha gacanka Soomaalida] Dr Cali oo ka hadlayana xiriirkii Soomaalidii hore is Masaaridana waxaa uu yiri: Sida ka muuqata qabriga laksar ee uu leeyahay sarkaal ka tirsan dowladii masaarida, si wayn ayay iskugu ekaayeen qaabdhismeedka doomaha Bunti yo kuwii Masaarida, shiraacooda xataa waxaa la soo wariyay in ay isku ekaayeen. Maanta reer guuraaga Soomaaliga ah waxaa mar walba uu wataa barkin alwaax ah si uu tintiisa uga ilaashado[ wasakhda] tan waxay la mid tahay tii masaaridii hore[ ay isticmaali jireen]. Taa waxaa u dheer, barkintan Soomaalida waxay u taqaanaa Barkin ama Barshin,[ masaaridana waxay u taqiinay Barsi, labada erayna aad ayay iskugu dhowyihiin]( fiiri qormadii uu tafaray Mustafaa Xaaji nuur, ee aan horay u soo xusanay) Waxaa sababo loo hayaa in uu jiray xiriir dimeed, maxaa yeelay masaaridii hore qofka markii uu dhinto waxay la aasi jireen alaabtiisa qayb ka mid ah, sidaas oo kale dhulka Soomaalida waxaa laga helaa qubuuro loo yaqaano taamuli, qubuurahan dadka waxaa lala aasi jiray alaabahooda, waxaa kaleetoo laga yaabaa in ay jirtay kala amaahasho xagga dhaqanka ah, tusaale, waxaa jira shibmir masaaridii hore ay u haysteen in uu ahaa mid ka mid ah Ilaahyadooda, Soomaalidana shimbirkaas waxay u yaqaaneen shimbir fircown. Intaa waxaa dheer, in dhulka Soomaalida looga feesteeyo sanadka cusb sida Masartii hore, dabaal dabaga sanadka cusub oo dhulka Soomaalida qaarkiis looga yaqaano dabshid, dab ayaa la shidaa, bacdina afarta koone ayaa loo firdhiyaa, si la iskaga xijaabo xooggaga shaydaanka iyo waxyaabaha xunxun, bacdina feestadaan ka dib waxaa la sameeyaa alabari lagu baryaayo in beeraha ay si fiican u soo baxaan sanadkan bilaabanaya. Arimahan oo dhan waxay ku tusayaan xiriirkii qotada dheeraa u dhexeeyay Soomaalidii hore iyo Masaarida.( faahfaahin arintan ku saabsan ka fiiri qormadii uu tafatiray Mustafaa Xaaji nuur iyo buugga Dr Xirsi aan soo sheegnay ciwaankiisa). La soco qaybaha kale Qoraaga waxaa kala xiriiri kartaa Emailka hail0029@umn.edu Quote Share this post Link to post Share on other sites
RaMpAgE Posted August 24, 2003 zaylici ..nice article their... One thing iam sick of is foriegners writing our own and including lies and other c*ap! anwayz nice work..keep up the good work.~ Quote Share this post Link to post Share on other sites