Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Hawlaha Guud ee Puntland oo jebisay sharciga nootaayada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16582337213097885.jpg?resize=396%Wasiirka Hawlaha Guud ee Puntland Axmed Bashiir Muuse

Garoowe (Wararka PP) — Dhowr toddobaad kaddib markii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Puntland ay si sharcidarro ah ugu xulatay lix nootaayo bixinta adeegyo sharciyeed, waxay Wasaaradda Caddaaladda ee Puntland soo saartay xog ku saabsan nootaayooyinka shatigu ka dhacay iyo kuwa shati haysta laakiin aan shaqaynin.

Sharciga Nootaayooyinka ee Puntland wuxuu awoodda buxinta shatiyada iyo kor kala socodka nootaayooyinka siinayaa Wasaaradda Caddaaladda ee Puntland. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa sheegtay in nootaayooyinka loo qabtay tartan ka hor inta aan lix laga soo xulanin.

“Nootaayooyinku waa isku heer. Dadweynaha ayay u adeegaan. Waa sharci-darro in Wasaaradda Hawlaha Guud u gacan-dhaafto Wasaaradda Caddaaladda bixinta shatiyada” ayuu Puntland Post u sheegay qareen ku sugan Garoowe oo codsaday in la xigto magaciisa oo aan la sheegaynin.

Go’aanka Wasaaradda Hawlaha Guud waxay dhowr qareen ku tilmaameen “qorshe loogu sadburinayo nootaayooyin ay mas’uuliyiin xil Puntland ka haya ay saamiyo ku leeyihiin”.

“Waa in la waafajiyo Sharciga Nootaayooyinka Puntland iyo sharciga qareennada ururkooda uu dejiyay dhowrista xirfadlenimada” ayuu qareenku ku daray.

FB_IMG_16581601453412003.jpg?resize=720% 20220718_192838.jpg?resize=720%2C670&ssl 20220718_192739.jpg?resize=720%2C752&ssl FB_IMG_16581602951746938.jpg?resize=720%

© Puntland Post, 2022

The post Wasaaradda Hawlaha Guud ee Puntland oo jebisay sharciga nootaayada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this