Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahadalkii doorashada Somaliland oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16582249034834515.jpg?resize=720%

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in ay burbureen wadahadalkii khilaafka doorashada ee la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaradka.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay natiijo la’aan ku soo dhameedeen wadahadaladii khilaafka doorashada ee ay garwadeen ka ahaayeen guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland.

“Afkiisa wuxuu naga yiri Guddoomiyaha Guurtida waxba idiinma haynee tashada, annaguna waa tashanaynaa” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si weyn u diidan furitaanka ururada siyaasadda iyo muddo korarsi la sheegay in uu damacsan yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

PUNTLAND POST

The post Wadahadalkii doorashada Somaliland oo fashilmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this