Sign in to follow this  
Deeq A.

TPLF Oo Diyaarisay Koox Wadaxaajood La Gasha Dowladda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Jabhadda Tigreega ayaa diyaarisay guddi wadaxaajood la fura dowladda Itoobiya, sidaasina waxaa wakaaladda wararka AFP u xaqiijiyay afhayeenka TPLF, iyadoo ay tallaabadani ku soo beegmayso 20 bilood ka dib markii uu dagaalku ka billaamay gobolka waqooyiga dalkaasi.

Hadalkan ayaa imanaya toddobaad ka dib markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday guddi ka baaraandega suurtogalnimada wadahadallo nabadeed oo lala galo TPLF.

Laakiin waxaa ay caqabadi ka taagneyd go’aan uu xisbiga Barwaaqo ee Raysal Wasaare Abiy Axmed ku adkeystay in wadaxaajood kasta ay hoggaamin karaan Midowga Afrika, iyadoo tallaabadaasi ay jabhaddu diiday.

TPLF ayaa walaac ka muujisay “u dhawaanshaha” ergeyga AU-da horeyna u soo noqday madaxweynaha Nigeria, Olusegun Obasanjo, ee Abiy, waxayna sheegtay in ay doonayso in wadahadal kasta oo labada dhinac ay yeeshaan uu gadh-wadeen ka noqdo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

“Waxa aan diyaar u noqoneynaa in aan wafdi u dirno Nairobi, aanna dhsino guddi ay xubno ka yihiin madax sare,” ayuu AFP u sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah.

“waxa ay noqoneysaa mas’uuliyad-darro weyn in aan AU-da u xilsaarno dhammaan hannaanka wadahadalka,” ayuu yidhi isaga oo intaa ku daray in wadahadal kasta uu qeyb ka noqdo Kenyatta kaasi oo kaalin wax ku ool ah ka ciyaaray dadaallada nabadeynta.

Guddiga dowladda ayaa waxaa madax u ah Raysal wasaare ku-xigeenka Demeke Mekonen, sidoo kalana ah wasiirka arrimaha dibadda.

AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this