Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Gurmadka Abaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1658145371051.jpg?resize=720%2C47

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafti ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador, James Swan oo ay weheliyaan Madaxa ugu sareeya ee hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Obuolape iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay  ee Puntland, Guy Griffin.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Abaaraha Puntland iyo guud ahaan  Soomaaliya, waxaa  si qoto-dheer loo dul-istaagey sidii Beesha Caalamku door muuqda uga qaadan lahayd ka  jawaabidda xaaladda abaarta iyo u gargaaridda shacabka abaartu saamaysay, Amaanka, dardargelinta Dimuqraadiyeynta iyo mashaariicda horumarineed ee hay’addaha caalamiga ah ka wadaan Puntland.

Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey kalanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Jamaal Carab Yuusuf, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta masiibooyinka, Cabdullaahi Cali Xirsi, Wasiirka Tamarta , Macdanta iyo Biyaha, Caarshe Maxamed Siciid iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay Gurmadka Abaaraha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this