Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaaradii ku bur burtay Madaarka Muqdisho+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaaradii ku bur burtay Madaarka Muqdisho+Sawirro

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa ku burburtay diyaarad nuuca rakaabka qaada oo leedahay shirkada diyaaradaha Jubba Airways, xilli diyaarada kusoo dageysay Garoonka Aadan Cadde

Diyaarada oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa markii ay soo dageysay garoonka Aadan Cadde la sheegay in dhulka ku dhufsatay mid kamid ah baalayaasheeda sidaana ku burburtay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in diyaarada dab qabsaday markii ay dhulka ku dhacday, waxaana kooxaha gurmadka degdeg ee ku sugnaa garoonka u gurmadeen rakaabkii diyaarada saarnaa iyo shaqaalihii la socday diyaarada.

Saraakiil katirsan maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay shilkan goordhaw ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ciidamada Dabdamiska ayaana ku guuleestay in ay damiyaan dabkii ka kacay diyaarada markii ay dhulka ku dhacday, waxaana diyaarada noqotay mid si weyn u burburtay oo saameyn xoogan ku yeeshay shilkan.

Diyaarada shilka ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo kasoo duushay magaalada Baydhabo aya asiday 33-qof oo rakaab ahaa, lamana oga ilaa hada waxa sababay shilkan diyaaradeed.

c4c600ec-4328-4b91-9cad-568b651d7309.jpge86bb922-936a-4a4a-a555-19626a18bbcb.jpgf1de5216-8d6f-49fa-9af2-7090d8535779.jpg

jub-1-1.jpgjub-3-1.jpgjub-2-1.jpgjub-4.jpgjub-5.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this