Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo diiday dalab ka yimid Xeer Ilaalinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa jawaab ka bixiyay warqad ka timid Xeer Ilaalinta Puntland, oo ku saabsan xildhibaanno ku eedaysan kiiska Geed-quwaaxa.

Xeer Ilaalinta ayaa Guddoomiyaha ka dalbaday, in Xildhibaannada ku eedaysan kiiska Geed-quwaaxa loo gudbiyo Waaxda danbi-baarista C.I.D-da, si wax looga weydiiyo eedaha loo haysto.

Balse, Guddoomiyaha oo jawaab ka bixiyay warqaddaas, ayaa ku wargeliyay Xeer-ilaalinta in aan C.I.D-da looga yeeri karin Xildhibaanno xasaanadleh.

Xeer Ilaalinta ayaa horay u sheegtay in ay jiraan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka oo ku eedaysan Kiiska Geed-quwaax, inkastoo aysan sheegin magacyadooda.

Warkan waxa noo xaqiijiyay xildhibaanno kala duwan oo aan bixin ogolaansho lagu xigto.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo diiday dalab ka yimid Xeer Ilaalinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this