Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay diyaarad ku burburtau garoonka diyaaraha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid kamid ah Diyaaradaha Shirka Jubba Airways ayaa goordhaw ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha Garoonka,waxa ayna diyaaradu katimid Magaalada Baydhabo

Dhammaan Rakaabka la socday diyaaradda ayaa laga soo badbaadiyay mana jiro qasaare dhaafsiisan burburka diyaaradda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen diyaaradda oo Mid kamid ah Baalasheeda dhulka ku dhufsatay kadibna kabaxday Dhabaha ay kusoo dageysay.

Waxaana sidoo kale Muuqaallo iyo Sawirro lagu baahiyay Baraha Internet-ka ay muujinayaa khasaaraha iyo Burburka Xooggan ee gaaray Diyaaradda, waxaana sidoo kale la arkay Qiiq iyo Uuro cirka isku shareeray.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay diyaarad ku burburtau garoonka diyaaraha Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this