Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya shil diyaaradeed oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen waxaa shilka uu ka dhashay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Jubba Airways, taas oo lasoo wariyey inay burburtay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddu ay shilka gashay, xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha Garoonka, waxaana ka dhashay dab xoogan.

Sidoo kale waxaa lasoo bad-baadiyey dhammaan Rakaabka la socday diyaaradda, mana jiro khasaare dhaafsiisan burburka diyaaradda shirkadda Jubba Airways.

Faah-faahinta: kala soco Caasimada.net.

293390979_5499014463490533_6605037187439 293423564_5499014470157199_1973058428536

The post DEG DEG: Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this