Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgal Ka Dhacay Jubbada Hoose oo Lagu Dilay 6 Al-shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Danab ee xoogga dalka, ayaa la sheegayaa in hawgal ay sameeyeen ay ku dileen hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab.

Halwgalkan oo ka dhacay labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa fuliyey ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab, waxaana lagu dilay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab.

Sida ay sheegeen xoogga dalka, hawlgalkan ayaa yimid si loo furo waddo lagu baaro gaadiidka iyo keydka sakawaadka Al-shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in lagu dilay 5 kale oo Al-shabaab halka lasoo qabtay hub ay ku jiraan 4 qori Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this