Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS oo qarax lagula beegsaday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS, ex AMISOM lagula beegsaday isgoyska Cali Kamiin, degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa inuu haleeyay gaari ay la socdeen ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu khasaare kasoo gaaray ciidamada lala beegsaday iyo dad shacab ah oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada howlgalka ATMIS ee la qarxiyey ay fureen rasaas xoogan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ciidamada howlgalka ATMIS ay mar dambe sii wateen socdaalkooda, mana jiro wax hadal oo laga soo saaray qaraxaasi.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada kolonyada ciidamada iyo kuwa ATMSIM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

The post Ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS oo qarax lagula beegsaday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this