Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Ku Guulleysatay Koobka Adduunka Ee Oradka Maaratoon-Ka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Tamirat Tola oo Itoobiyaan ah ayaa ku guulleystey bilada dahabka ee orodka marathon-ka ragga ee tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka ee ka socda Maraykanka.

Waxa uu khadka kaga gudbay laba saacadood iyo shan daqiiqo iyo 37 ilbiriqsi. Mosinet Geremew oo ay isku dalka yihiin Tola ayaa kaalinta labaad galay.

Itoobiya ayaa hadda haysata laba dahab ka dib markii Letesenbet Gidey ay ku guulaysatay orodka 10,000 ee mitir ee dumarka. Hellen Obiri oo u dhalatay Kenya iyo Margaret Kipkemboi ayaa kala qaatay qalin iyo maarta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this