Deeq A. Posted July 17, 2022 Jowhar (Caasimada Online) – War kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hoteelka Nuur Doob ee ku yaal magaalada Jowhar ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Hirshabelle. “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday xarun ay magaalada Jowhar uga sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle,” ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus ee Al-Shabaab. Al -Shabaab waxay sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonaan faah faahinta khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii maanta. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari xamuul oo lagu soo raray qalabka dhismaha in lagu bartilmaamedsaday hotelka oo ay degaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, waxaana ku dhaawacmay 14 kale, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Sida ay innoo xaqiijiyeen dad mas’uuliyiin ah, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle kuwaas oo kala ah wasiirka caafimaadka, wasiirka waxbarashada iyo wasiirka Haweenka, waxaana la tilmaamay in mas’uuliiintaan ay soo gaareen dhaawacyo fud fud. Dhinaca kale, qaraxa ayaa geystay bur-bur hantiyadeed iyadoona ay baaba’een dhammaan dhismayaashii ku yaallay goobta lagu weeraray Qaraxa. waxaa burburay xarrumo ay ka mid yihiin warbaahinno maxali ah, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Hirshabeelle. Magaalada Jowhar ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyo nuucaan oo kale ah, kuwaas oo intooda badan ay sheegtaan Kooxda Al Shabaab. The post Al-Shabaab oo war kasoo saartay QARAXII Jowhar appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites