Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa lagu shaaciyey shirkii jaraa’id ee Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta yeeshay kulan, ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id oo si qotodheer uga hadlay ahmiyadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Kulanka labada madaxweyne ayaa sidoo kale lagu lafa-guray adkaynta danaha ay wadaagan labada dowladood iyo xal u helidda caqabadaha ka jira gobolka.

Xasan iyo Geelle ayaa xusay inay iska kaashan doonaan xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.

“Maanta caalamka lama kala maarmo, sidaas awgeed Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay ku wada yaallaan Geeska Afrika oo fursado badan, duruufo iyo caqabado isku sidkan ay ka jiraan.”

“Maaddaama gobolku uu istaraatiji iyo muhiim u yahay adduunka kale, waa in aan si wadajir ah uga tashannaa sidii aan wax ula wadaagi lahayn dalalka kale ee dariska nala ah, annagoo ka faa’iideysanayna khayraadka iyo dadkeenna firfircoon ee ka tilmaaman caalamka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay wadaagan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

“Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen dalka Jabuuti.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku tilmaamay socdaalka Madaxweynuhu in uu bud-dhig u yahay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal.
52221985251_9fa365727b_o-scaled.jpeg?res Xasan-iyo-Geelle.jpeg?resize=696%2C510&s Geelle-iyo-Xasan-Sheekh.jpeg?resize=696% 294400778_428689345968877_56857851597654 Xasan-Sheekh-iyo-Geelle-2.jpeg?resize=69 294459550_428688835968928_61912670909818 Geelle-3.jpeg?resize=696%2C532&ssl=1 294506183_428689025968909_91849082348934 294641347_428689245968887_63923959751664 294015293_428689092635569_53446354406171 Geelle-Xasan-6.jpeg?resize=696%2C464&ssl Geelle-4-scaled.jpeg?resize=696%2C464&ss Xasan-Geelle-9-scaled.jpeg?resize=696%2C Xasan-Sheekh-Maxamuud-scaled.jpeg?resize 294620720_428689395968872_46467601623440

The post Maxaa lagu shaaciyey shirkii jaraa’id ee Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Cumar Geelle? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this