Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Jowhar + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay culus xoogan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo dhawaqiisa si xoogan looga maqlay magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo raray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay hoteelka Nuur Doob oo ku yaallo agagaarka madaxtooyada, waxaana deganaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Wasiirka Haweenka HirShabelle Caasho khaliif, Wasiirka Caafimaadka HirShabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye ku xigeenkii hore Baarlamaanka maamulka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise iyo xildhibaan hore Jeego, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hoteelka la weeraray ayaa gebi ahaan burburay, iyada oo laga soo saaray dad dhaawacyo ah, waxaana sidoo kale bubur uu soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen, waxayna bilaabeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii lasoo dhaafsay yare xasilnaa, walow mararka qaar ay ka dhacayeen qaraxyo nooca miinada ee dhulka lagu aaso.

294236290_2884842925143310_5469709722676 294224788_2884842865143316_3770505484207294058372_2884834661810803_570416201048861982607-0c9f-4442-bea6-ea0b1034f865.jpg

The post Faahfaahin: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Jowhar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this