Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dad degaan ah u aqoonsatay shacabka ka soo bara-kacay Koonfurta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhabancad.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Xukuumadda Puntland ayaa dad degaan ah u aqoonsatay shacabka Soomaaliyeed ee ka soo bara-kacay bartamaha iyo koonfurta Soomaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in dadka ka yimid Koonfurta Soomaaliya ay yihiin dad degaan ah islamarkaana dhammaan xuquuqda kala siman kuwa u dhashay Puntland.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in shacabka ka yimid koonfurta Soomaaliya aan bara-kacayaal loo aqoonsan karin wax ka badan mudda hal sano ah oo loo samaynayo daryeel iyo dib u-dejin.

Sidoo kale wuxu tilmaamay in dadkaas ay xaq u leeyihiin ka qayb-galka doorashooyinka ku salaysan hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dad degaan ah u aqoonsatay shacabka ka soo bara-kacay Koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this