Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Wasaaradda Degaanka Puntland oo maanta Baarlamanku su’aalo ka weydiinayo Kiiska Geed-quwaaxa

Recommended Posts

Deeq A.   
2-6.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Mas’uuliyiinta wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa lagu wadaa in ay saaka hortagaan Baarlamanka.

Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Axmed Yuusuf Qahar (Labbeyka) ayaa Xildhibaannada Baarlamanka warbixin ka siin doona Shaqada ay u xilsaarantahay Wasaaraddiisa ee Arrimaha Degaanka.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale la filaya in ay Madaxda Wasaaradda su’aalo kala duwan ka weydiiyaan Kiiska Xasaasiga ah ee dhoofinta Dhirta Geed-quwaaxa iyo guud ahaan Arrimaha Degaanka iyo Cimilada.

Xeer Ilaalinta Puntland ayaa horay u sheegtay in Kiiska dhoofinta geed-quwaaxa ay ku eedaysan yihiin mas’uuliyiin xasaanad leh oo Xildhibaanno ku jiraan inkastoo aysan magacyadooda sheegin.

PUNTLAND POST

The post Madaxda Wasaaradda Degaanka Puntland oo maanta Baarlamanku su’aalo ka weydiinayo Kiiska Geed-quwaaxa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this