Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka PUNTLAND oo ku baaqay in la joojiyo isticmaalka kaniiniga VIAGRA

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Sayid Cumar Guulleed oo hortegay baarlamaanka maamulkaasi ayaa la weydiiyay su’aallo ku saabsan badqabka caafimaad iyo daawooyinka dalka lasoo geliyo.

Xildhibaano dhowr ah ayaa wasiirka caafimaadka ka dalbaday in la joojiyo isticmaalka kaniiniga loo isticmaalo xoojinta galmada ee VIAGRA, iyagoo xildhibaanada daliishaday halis badan oo kaniinigaasi u keenay muwaadiniin badan, qaarkoodna ay u dhinteen markii ay isticmaaleen.

Xildhibaanada doodaan soo jeediyay ayaa sheegay in dawooyinka qaar ay leeyihiin halis caafimaad oo ka badan faa’iidooyinka ay leeyihiin.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegey inay baaris ku sameynayaan iyo hubin daawooyinka loo isticmaalo galmada, iyo kuwa kale, isagoo sheegay haddii ay cadaato arrintan inay qaadi doonaan talaabada ku haboon.

Kaniiniga VIAGRA oo dhowr siyaabo loo isticmaalo wuxuu qeyb ka qaataa xoojinta quluqla iyo wareega dhiiga qofka, dhiiggaas oo xubinta taranka u baahan tahay si ay awood u yeelato.

Caadiyan wax dhibaatoa ah kuma sugna isticmaalkan kaniinigan marka dhaqtar uu qoro, loona qaato sida saxda ah, hase yeeshee dalal badan waxaa haystaa dhibaato ah in dadku qaataan ayaga oo aan dhaqtar siin, taasi oo keentay inay adeegsadaan xaddi ka badan kii ay u baahnaayeen.

Sidoo kale, dalal badan oo caalamka ah, oo Soomaaliya ay ku jirto waxaa la geeyaa kaniini VIAGRA oo been abuur ah oo aan aheyn kan saxda, taasi oo halis dhalisa.

The post Baarlamaanka PUNTLAND oo ku baaqay in la joojiyo isticmaalka kaniiniga VIAGRA appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this