Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Xasan Shiikh oo si weyn loogu soo dhaweeyey Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti ( Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti oo kamid ah wadamadii uu xiriirka u jaray madaxweynihii hor ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli International Airport ee magaalada Jabuuti kusoo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Labada mas,uul ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan sidii dib loogu hagaajin lahaa xiriirka labada dowladood.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka ay Villa Somalia kasoo saartay safarka madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli International Airport ee magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay bilow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Jabuuti waxa uu kulan la qaadan doonaa walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo hadal ka jeedin doona Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, si uu uga xog warramo xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.

FB_IMG_1657985858013.jpg?resize=696%2C48 FB_IMG_1657985855625.jpg?resize=696%2C47 FB_IMG_1657985850621.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1657985848167.jpg?resize=696%2C51 FB_IMG_1657985846215.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1657985843812.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1657985841310.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1657985836073.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1657985831715.jpg?resize=696%2C48 FB_IMG_1657985826279.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1657985824093.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1657985821537.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1657985816339.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1657985813801.jpg?resize=696%2C51

The post Sawiro: Xasan Shiikh oo si weyn loogu soo dhaweeyey Jabuuti appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this