Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Xisbiyada iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxay Xisbiyada iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen?

Hargeysa(Qaran news)- Waxa isa soo taraya in xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo dhinac ah iyo Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ay isla gaadheen heshiis lagu soo afjarayo khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Waxa la sheegay in labada guddoomiye ee labada gole Wakiillada iyo Guurtidda Cabdirisaaq Khaliif iyo Saleebaan Maxamuud Aadan, ay labada dhinac ku qanciyeen in muddo sannad iyo dheeraad ah loo kordhiyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kalena doorashada madaxtooyadda ay galaan saddexda xisbi qaran ee WADDANI,KULMIYE iyo UCID.

Warku wuxuu intaas ku daray in doorashada urrurada siyaasadana la raacin doono doirashada deegaanka saddex sanno kadib iyadoo la sii wadayo diwaangelinta iyo ansixinta ururrada siyaasadda.

Is afgaradkan ayaa la sheegay in maalinta beri ah lagu dhawaaqi doono, hase ahaatee waxaan weli la garanaynin in heshiiskaasi sidaas yahay iyo in qoddobada qaar wax iska beddeli karaan, gaar ahaan waxaan weli wararku rasmi ahaan u caddaynayn muddada rasmiga ah ee muddo kordhinta Xukuumaddu noqon doonto.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this