Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka Puntland oo hortagay Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1657964109252.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Jaamac Faarax Xassan oo ay wehliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Seyid Cumar Guulleed iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda

Wasiirka Caafimaadka ayaa Golaha Wakiillada DPL uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha caafimaadka dalka sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad, 33aad iyo Xeerka Xirfadlayaasha caafimaadka Puntland.

Xeerkaas ayaa si faah-faahsan uga hadlaya diiwaangelinta, anshaxmarinta, tayeynta Xirfadlayaasha caafimaadka iyo qiimeynta, kormeerida, ka warbixinta ruqsadsiinta goobaha adeega caafimaadka iyo daawooyinkooda.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka Puntland oo hortagay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this