Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay dalka aan dariska nahay ee Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo guul ku soo dhammaaday ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta  xiriirka iyo iskaashiga uu dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka, gaar ahaan  dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this