Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo soo gaabiyey safarkiisii Kenya, kuna soo laabtay dalka + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib booqasho rasmi ah oo ay ku tegeen caasimada Kenya.

Madaxweyne Xasan oo soo gaabiyey safarkiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas’uulyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaa kadib loo galbiyey dhismaha xarunta madaxooyada Soomaaliya, ayada oo muddo koobhan loo xiray qaar ka mid ah wadooyinka.

Sida uu qorshuhu ahaa madaxweynaha ayaa la filayey inuu la kulmo jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, balse ma dhicin, wuxuuna isla maanta kusoo laabtay Muqdisho, taas oo ka dhigeysa in booqashadiisa ay qaadatay hal maalin oo qura.

Ma cadda sabab rasmiga ah ee soo dadajisay soo laabashada madaxweynaha, maadaama ay horey Villa Soomaaliya u shaacisay inuu laba cisho soo joogi doono dalka Kenya, waxaase arrintan lala xiriirinayaa howlaha horyaalla dowladda cusub, gaar ahaan ku dhawaaqista golaha wasiirada Soomaaliya oo haatan laga sugayo ra’iisul wasaare Xamza.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Niarobi wuxuu wadahadallo miro dhal ah la yeeshay dhiggiisa Uhuru Kenya oo wada saxiixeen heshiis dib loogu fasaxay Qaadka Kenya.

Sidoo kale waxaa heshiiskaas qayb ka ah xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, fududeynta dal ku-galka, dhaq-dhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta  xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya la leedahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka, gaar ahaan  dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta.

Safarka madaxweynaha ee Kenya ayaa noqday kii afaraad ee uu dalka uga baxay, tan iyo markii dib loo doortay, wuxuuna horey u booqday, dalalka Imaaraadka, Turkiga iyo Eritrea.

The post Madaxweyne Xasan oo soo gaabiyey safarkiisii Kenya, kuna soo laabtay dalka + ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this