Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Ee Itoobiya Oo Hoggaamin Doono Goob-joogayaasha Doorashada Kenya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Urur-gobolleedka IGAD ayaa u magacaabay Dr Mulatu Teshome, madaxweynihii hore ee Itoobiya, inuu hoggaamiyo ergada goob-joogayaasha doorashada Kenya ee soo socota.

Dr. Mulatu oo xilka hayey 2013 illaa 2018 ayaa madax u ah kooxdan oo Nairobi ku tageysa martiqaadka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee Kenya (IEBC).

Doorashada Kenya oo sannadkan xiiso gaara leh waxa ay dhaceysaa 9-ka bisha August ee sannadkan 2022, iyadoo musharixiinta ay durba bilaabeen iney ololeeyaan, dadka codadkooda dhiibanaya waxaa kamid ah ilaa 850,000 oo Soomaali ah.

Labada nin ee ugu cad cad loolanka xilka madaxweynaha Kenya, oo kala ah Raila Odinga iyo William Ruto ayaa la saadaalinayaa inuu loolan adag dhexmari doono, iyadoo amniga guud ee dalkaasi si weyn loo adkeeyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this