Deeq A. Posted July 16, 2022 Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ku dilay oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdi Faaniin. Dableyda dilka gaysatay ayaa isaga baxsatay goobta dilka kadib, waxaana halkaas ku geeriyooday ganacsade Sheekh Cabdi Faniin. Dilka xalay ayaa noqonaya kii labaad oo si weyn loo hadal hayo oo ka Muqdisho dhaca wax ka yar 25 saac gudahood. kadib dilkii loo gaystay Sheekh Salaad Ciise oo ahaa ganacsade caan ah. Ciidamada Booliska oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan baaritaano ku addan sidii loosoo qaban lahaa ciddii ka dambeysay dilka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites