Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu beegsaday mas’uul sare oo ka dhacay Gaalkacyo + khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdooyin xalay siyaabo kala duwan uga dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee gobolka Mudug Cilmi Cali Guuleed, kaas oo uu weerarka kasoo gaaray dhaawac halis ah, kadib markii ay rasaastu madaxa ka haleeshay.

Ragga weerarka geystay oo goobta ka baxsaday ayaan la garan heybtooda, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilau Allaha u naxariistee Cirro Xaaji Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaasi.

Dilka marxuumka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo xilligaas howlgal ka waday xaafado ka tirsan waqooyiga Gaalkacyo, iyada oo la sheegay in rasaas ay fureen ay haleeshay wiilkaasi dhalinyarada ah oo si weyn looga garanayey halkaas.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaaha ammaanka Puntland iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdooyinkaasi.

Gaalkacyo oo kala qaybisa maamuullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro khasaare geysta iyo dilal qorsheysan oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

The post Weerar lagu beegsaday mas’uul sare oo ka dhacay Gaalkacyo + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this