Sign in to follow this  
Deeq A.

Joe Biden Oo Booqasho Uga Bilaabatay Dalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa booqasho uga bilaabatay waddanka Boqortooyada Sacudi Carabiya isagoo la kulmay Boqorka Sacudi Carabiya iyo Dhaxalsugaha awooda badan leh.

Biden waxa uu ka qayb galay kulan rasmi ah oo uu la yeeshay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan, laakiin — marka loo eego xaalada caafimaad ee boqorka — fadhiga shaqada waxa qabtay dhaxal sugaha boqortooyada MBS.

Kulankaas ayayna Biden iyo Salman isku salaameen salaanta caanka noqotay ee ah soo baxday xilligii cudurka Coronaha dunida uu aad ugu faafayay.

War ka soo baxay xalay waaxda warfaafinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in Biden uu la soo qaaday Maxamed Bin Salmaan Amiirka leh dhaxalka Sacudi Carabiya dilka Khashoggi.

Sannadkii la soo dhaafay, sirdoonka Mareykanka ayaa soo gabagabeeyay in uu uu ku lug lahaa MBS dilka Khashoggi. Amiirka dhaxalsugaha ah ayaa diiday ku lug lahaanshaha.

Ka hor kulankooda saacado qaatay, Bin Salmaan Jimcihii waxa uu iska dhega tiray su’aalo ay weydiiyeen weriyayaasha oo ku saabsan in uu raaligelin ka bixin doono qoyska Khashoggi iyo in kale, Biden ma ka jawaabin.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhowr jeer difaacay go’aankiisa ku aadan inuu u safro Sacuudiga oo uu la kulmo MBS, isagoo ku adkeysanaya in maamulkiisu uu doonayo inuu hoggaamiyo gobolka oo aanu u abuurin meel bannaan oo Ruushka iyo Shiinaha ay buuxiyaan.

Waxa uu si toos ah uga duulay boqortooyada Israa’iil – arrin hore loo mamnuucay.Sacuudi Carabiya, oo aan si rasmi ah u aqoonsan Israa’iil, muddo tobanaan sanno ahna hoggaaminayey qaadacaadda gobolka ee dawladda Yuhuudda, ayaa mar sii horreysay ku dhawaaqday inay u oggolaanayso dhammaan diyaaradaha inay isticmaalaan hawadeeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this