Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad ku eedaysan dilkii nabaddoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore) oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
Waloore.webp?resize=720%2C619&ssl=1

Laamaha Amniga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa baaris ku wada dad ku eedaysan dilkii marxuum nabaddoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore) kuwaas oo dhowaan lagu qabtay Gaalkacyo.

Saraakiisha Amniga qaarkood ayaa noo sheegay in gacanta lagu hayo shakhsiyaad ku eedaysan dilkii marxuumka islamarkaana baaritaan ku socdo.

Nabaddoonka ayaa bil ka hor lagu dilay bannaanka hore ee masjid lagu magacaabo Macmuur oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo xilli fiid ah oo ku beegnayd 16 June 2022.

Sidoo kale marxuumka aabbihiis Xasan Xuseen Walloore ayaa la dilay isagoo ka soo baxay isla masjidkaas Macmuur  xilli fiid ah oo ku beegnayd 8 August 2011.

PUNTLAND POST

The post Dad ku eedaysan dilkii nabaddoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore) oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this