Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo hal Milyan oo Dollar ku bixinaysa Gurmadka Abaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1657868006654.jpg?resize=721%2C48

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha gurmadka Abaaraha oo ah Shir loogu qareemayo looguna gurmanayo dadka ay Abaartu saameysay.

Madaxweynaha oo muujiyay sida Dowladdu ula damqanayso Bulshadeeda ayna muhiimad u siinayso ka jawaabista xaaladda ka dhalatay Abaarta, ayaa Kulanka kaga dhawaaqay in Dowladdu $1Million ku shubayso sanduuqa Gurmadka Abaaraha ee Puntland si loogu billaabo caawimaada dadka Abaartu saameysay, Wuxuuna Madaxweynuhu ku baaqay in laga wada qeyb qaato Gurmadka.

Guddiga Abaaraha u qaabilsan Dowladda oo kaashanaya Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ee Puntland iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso ayaa
Shirweynaha gurmadka Abaaraha kusoo bandhigay warbixino ka hadlaya heerka ay marayso xaaladda ka dhalatay Abaarta ka jirta Puntland iyo qorsheyaasha sida loo caawin karo dadka.

Madaxweynaha waxaa Shirweynaha kala qeybgalaya Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Guddiga Abaaraha Puntland, Wasaaradda Gargaarka iyo maaareynta masiibooyinka ee Puntland, Goleyaasha Dowladda iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland.

FB_IMG_1657867906923-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1657867921292.jpg?resize=720%2C45 FB_IMG_1657867927178.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1657867936147.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1657867940516.jpg?resize=720%2C45 FB_IMG_1657867949068.jpg?resize=720%2C57 FB_IMG_1657867954020.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1657867977259.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1657868006654.jpg?resize=721%2C48 FB_IMG_1657868011136.jpg?resize=720%2C50 FB_IMG_1657868018105.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1657868023708.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Puntland oo hal Milyan oo Dollar ku bixinaysa Gurmadka Abaaraha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this