Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hadashay maxaabiis dil ku xukuman oo ka baxsaday xabsi gaar ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1657821397653.jpg?resize=720%2C72

Puntland ayaa markii u horraysay si kooban uga warbixisay maxaabiis dil ku xukuman oo saaka ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Col. Muumin Cabdi Shire ayaa xaqiijiyay in saddex maxbuus oo dil ku xukuman ay ka baxsadeen xabsigaas.

7 maxbuus ayaa isku dayay in ay ka baxsadaan xabsiga oo lagu hayo dadka Al-shabaab ku eedaysan balse saddex ayaa gacanta lagu dhigay sida uu sheegay Col. Muumin.

Hal maxbuus ayaa sidoo kale ku dhintay dhacdadaas oo baaritaan lagu hayo sida uu xusay Taliyaha.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka hadashay maxaabiis dil ku xukuman oo ka baxsaday xabsi gaar ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this