Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo Ka Qabsoomay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Dowlad Goboleed Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan, kaas oo maanta ka qabsoomay magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka u ah maamulka, golaha ayaa warbixin  ka dhageystay madaxweynaha .
Ugu horay Madaxweynaha ayaa golaha la wadaagay natiijada iyo habka loo maray imtaxaanka agaasimayaasha guud ee qaar kamid ah wasaaradaha Dowlad Goboleedka  ee dhawaan la qaaday isagoo tilmaamay in sababta shirkad ajinabi ah loogu doortay qaadista imtaxaanka inay tahay sidii looga fogaan lahaa eex iyo nin jeclaysi.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shaqo abuurka dhalinyarada isagoo xusay in la joogtayn doono isla markana ahmiyad gaar ah la siin doono shaqo abuurka dhalinyarada si ayna ugu dhicin falal danbiyeedyo loogana faa’iidaysanin waxyaabo naftooda khatar ku ah sida tahriibka.
Sidoo kale wasaarada amniga ayaa laga dhagaystay warbixinta amniga Jubbaland ee todobaadkii tagay iyadoo wasaaradu ay ka warbixisay shaqooyinka u danbeeyay ee Wasaarada iyo hay’adaha amniga ay qabteen, iyadoo shalay madaxweyne Axmed Madoobe uu Mareykanka kala hadlay la dagaalanka Al-shabaab.
 Dhinaca kale wasaarada maaliyada ayaa ka warbixisay qorshaha wasaarada ee sanadka 2022/2023 ee hormarinta dakhliga guud ee Jubaland iyadoo la raacayo tijaabooyinkii u danbeeyay iyo khibradaha laga dhaxlay, waxaana xusid mudan in Alshabaab ay deegaanno dhowr ah ay ka joogaan Jubbaland.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this