Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xil-wareejin ka dhacday xafiiska ra’iisul wasaare Xamza

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad xil-wareejin ah ayaa maanta ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, taasi oo uu xilkii si rasmi ah ugula wareegay afhayeenka cusub.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha, Farxaan Jimcaale ayaa xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee warfaafinta, Libaan Cabdi Cali.

Madasha xil-wareejinta ayaa waxa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Subeer iyo Howl-wadeennada xafiiska warbaahinta ee ra’iisul wasaaraha.

“Waxaa farxad ii ah in maanta si rasmi ah aan ula wareegay xilka Afhayeenka iyo Agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ah fursad qaali ah oo aan ugu adeegayo dadka iyo dalka,” ayuu yiri Afhayeenka cusub ee maanta xilka la wareegay.

“Waxaan u mahad-celinayaa Agaasimihii aan xilka kala wareegay walaalkay Liiban Cabdi Cali, shaqadii wanaagsanayd ee uu u soo qabtay shacabka iyo dhammaan hawl-wadeennada xafiiska.”

Farxaan Jimcaale oo dhawaan la magacaabay ayaa ka tegay shaqadii Saxafinimo ee BBC-da, si uu xilkaan cusub u qabto, waxaana xafiiskan soo maray weriyeyaal badan, iyadoo ra’iisul wasaare kasta uu soo magacaabo afhayeen cusub.

rw1.jpg?resize=696%2C480&ssl=1 rw3.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 rw4.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 rw5.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 rw.jpg?resize=696%2C489&ssl=1 rw6.jpg?resize=696%2C487&ssl=1 rw7.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Xil-wareejin ka dhacday xafiiska ra’iisul wasaare Xamza appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this